Wasiirka A. Dibada Somaliland oo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kala hadlay Xiisada Gobolka Sool

Wasiirka A. Dibada Somaliland oo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kala hadlay Xiisada Gobolka Sool

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inuu kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, iyagoo ka wada hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.

Mr Biixi oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka jirta Gobolka Sool, isla markaana labada dhinac wada hadal u wada yeelan lahaayeen.
Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhameeyo xiisada ka taagan Gobolka Sool.

"Waxaa uu ahaa wada hadal aan ku falanqeynay Xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaan Aad uga wada hadalnay in Wax walba aan wada hadal ku xalino Somaliland waxaa ay Aaminsan tahay wada hadalka,Marnaba Colaad ma soo dhaweyneyno Madaxweynaha waan u sheegnay in Somaliland Xaduudaheeda aysan ahayn kuwo lagu xadgudbi karo waxaana rajeyneynaa in uu dhamaado Khilaafkaasi"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somaliland iyo Puntland ay horay u ahaayeen labo maamul oo wada shaqeyn wanaagsan leh, isla markaana ka wada shaqeeya dhinaca ammaanka iyo deris wanaaga, waxaana uu carabka ku dhajiyay in Somaliland ay waajib ku tahay inay hagaajiso derisnimada kala dhaxeysa Puntland, Itoobiya iyo Jabuuti.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa salka ku heysa muran dhinaca dhulka deegaanada Gobolada Sool iyo Sanaag oo labada maamul ay sheeganayaan inay hoos yimaadaan, waxaana todobaadyo ka hor ciidanka Somaliland qabsadeen deegaanka Taleex, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada