Wasiirka Amniga Qaranka oo Codsaday in la toogto ragii Dilay Nafiso Cusmaan Salaad(Daawo Sawirada)

Wasiirka Amniga Qaranka oo Codsaday in la toogto ragii Dilay Nafiso Cusmaan Salaad(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Hay’adaha Garsoorka Dalka ka dalbaday in Xukun Dil ah lagu fuliyo ragii ka dambeeyay Dil dhawaan Degmada Yaqshiid loogu geestay Gabar Dhalinyaro aheed.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ay usoo qabteen qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay dilkii loo geestay Nafiso Cusmaan Salaad oo koox katirsan Al-Shabaab ku toogteen meel ana gurigooda ka fogeen.

Wasiirka ayaa xusay in Dilka loo geestay Gabadha lagu Magacaabo Nafiso Cusmaan Salaad uu yahay mid qaran , waxa uuna ku hanjabay in aan la cafin doonin Kooxihii dilay gabadhaasi xitaa hadii ay ehelada Gabadha Cafiyaan ayuu tilmaamay in Dowlada dhankeeda aysan marnaba cafin doonin.

Nafiso Cusmaan Salaad oo dhawaan ka qalin jabisay Kuliyada Kalkaaliyanimada ee Jaamacada Soomaaliya, ayaa horaantii bishan waxa ay kooxo Hubeesan ay kala baxeen Gurigeeda iyagoona ku dilay meel aan gurigooda ka fogeyn.

Hay’ada Nabad Sugida ayaa dhawaan soo bandhigtay Labo Nin oo qirtay in iyagu ka dambeeyeen Dilka Gabdhaasi iyo Haweeney iyana la sheegay in ay gacan ka geesatay Dilkaasi, waxaana la ogeyn tilaabada ay ka qaadi doonto Dowlada ragaasi qirtay dilka Nafiso Cusmaan Salaad.


Daawo Sawirada Raga Wax dilay iyo Gabadha la dilay





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada