Hooyada dhashay wiilkii Soomaaliga ee ku safray taayerka dayuurad oo ka sheekeesay Dhacdoyin xanuun badan

Hooyada dhashay wiilkii Soomaaliga ee ku safray taayerka dayuurad oo ka sheekeesay Dhacdoyin xanuun badan

daajis.com:-Ubax Maxamed Cabdullaahi oo sheegtay iney tahay Hooyadii dhashay wiil Soomaali ah oo ku dhuuntay lugta diyaarad isaga gooshaysay California iyo Hawaii ayaa sheegtay in wiilkeeda muddo dheer laga qarinayey.

Ubax ayaa sheegtay in wiilkeeda Yaxye Cabdi oo ah wiilka ku dhuuntay diyaaradda oo 16-jir ah muddo dheer la kala qarinayay, ayna arrinta dhacday aad uga naxday.

“Wiilkayga sannado ka hor ayaa la geeyay Mareykanka, waxaana loogu sheekeeyay in hooyadiis ay dhimatay, balse muddo ka dib ayuu ogaaday inaan noolahay oo aan Afrika joogo, taas ayaana ku kalliftay inuu naftiisa khatar geliyo si uu ii arko,” ayay tiri hooyo Ubax.

Waxay intaa ku dartay in laba cunug oo kale oo ay dhashay oo wiil iyo gabar ah iyagana ay qabaan dhibaato la mid ah tan Yaxye ku qabsatay inuu ku dhuunto diyaarad taayerkeeda.

“Waxaan ka codsanayaa Caalamka iyo Soomaalida inay gacan ka geystaan sidii aan isku arki lahayn aniga iyo wiilkayga,” ayay tiri Ubax oo ooyin laga dareemayey iyadoo sheegtay in loo diido in caruurteeda ay la hadasho tan iyo markii Mareykanka la geeyay.

Hooyo Ubax waxay sheegtay inay ku nooshahay xero qoxooti oo ku taalla Itoobiya, iyadoo xustay in aabbaha dhalay caruurta oo magaciisu uu ahaa C/raxmaan Yuusuf uu hadda bedelay magaciisa uuna la baxay C/llaahi, iyadoo xustay iney kala tageen caruurtiina uu ka kaxeystay muddo ka hor.

Yaxye oo ah wiilka ku safray Taayerka dayuurada isaga safreysay Maraykanka ayaa mar la weydiiyey sababta arintan ku kaliftay waxa uu sheegay inuu moodayey dayuuradaha iney Somalia ku sii jeedo, uuna doonayey inuu soo arko hooyadii oo dalka ku nool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada