Sacudian doonayay inuu ku biiro Al-shabaab oo Kenya lagu qabtay"cafimaadka ayaa dhiba haya"

Sacudian doonayay inuu ku biiro Al-shabaab oo Kenya lagu qabtay"cafimaadka ayaa dhiba haya"

daajis.com:-Ciidamada amaanka Kenya, ayaa Jaziirada Lamu ku qabtay nin Sacudian ah oo doonayay inuu ku biiro shabaabka ka dagaalama Somalia.

Ninkan u dhashay dalka Sacuudiga ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa laga qabtay jaziiradda Lamu, ee u dhaw xadka Kenya uu la wadaago Soomaaliya, waxaana ay ciidamadu ku eedeeyeen ninkaasi in uu doonayay in uu ku biiro maleeshiyada Al-shabaab.

Axmed Xanaas oo ah shaqsi ay xabsiga u taxaabeen ciidamada booliska ee Kenya ayaa haatan ku xiran xabsiga Malindi, madaxa Booliska ee Jaziiradda Lamu Samson Obara waxa uu sheegay in Axmed Xanaas uu san wadanin sharciyadii dal ku galka ah ee Kenya, islamarkaana uusan si haagsan ugu hadli Karin Luuqadaha Enlishka iyo Kisiwaahiliiga ah, taasna ay keentay in ciidamada la dagaallanka argagixisada lagu wareejiyo si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyeen, maadaama uu isagu sheeganayo in uu ahaa Kalluumeysato.

Axmed Xanaas ayay ciidamada Kenya ku eedeeyeen sidoo kale in uu qeyb ka yahay dadka tababarada siiya, una qaabilsan dhanka qorista maleeshiyaadka doonaya inay ku biiraan Al-Shabaab ee isugu jira kuwa u dhashay dalka Kenya iyo ajaanibta kale ee dooneysa inay ka mid ahaadaan kooxdaasi.

Kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay ku biiraan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxa ay waddo u noqotay Jaziiradda Lamu, iyadoo horaantii sanadkan ay ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen lix ruux oo dooneysay inay u soo gudbaan dhanka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada