Tababarihii Hore Ee Barcelona Tito Vilanova Oo Geeriyooday.

Tababarihii Hore Ee Barcelona Tito Vilanova Oo Geeriyooday.

daajis.com:-Tababarihii hore ee Barcelona Tito Vilanova ayaa geeriyooday isagoo jira da’da 45 sanno, ka dib markii lagu guuldareystay qaliin degdeg ah oo uu u baahday.

Vilanova ayaa la ildarnaa xanuunka kansarka taasoo keentay inuu dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore isaga tago shaqada Barcelona isagoo markaas ka hor tababare ku xigeen u ahaa Pep Guardiola.
Vilanova ayaa dhowr jeer qaliin u aaday dalka Mareykanka isagoo la tacaalayay cudurka Kansarka, laakiin kooxda Barcelona ayaa haatan xaqiijisay inuu geeriyooday.
Warbixin kooban oo ay soo dhigeen boga ay ku leeyihiin Twitter ayay Barcelona ku tiri:
“FC Barcelona waxa ay ku jirtaa murugo xoogan. Tito Vilanova ayaa geeriyooday isagoo jira da’da 45 sanno.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada