Jose Mourinho:- Hambalyo Garsoore Mike Dean Iyo Madaxa Garsoorayaasha Mike Riley Hamigiina Waad Gaarteen.

Jose Mourinho:- Hambalyo Garsoore Mike Dean Iyo Madaxa Garsoorayaasha Mike Riley Hamigiina Waad Gaarteen.

daajis.com:-Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa weerar dadban ku qaaday garsoorahii dhexdhexaadinayay ciyaartii goordhaweyd Mike Dean ee kooxdiisa Chelsea ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Sunderland iyadoo rigoore muran uu ku jiro laga dhigay.

Caawiyaha Mourinho ayaa xitaa damcay intii ay ciyaarta socotay inuu la dagaalo garsoore Mike Dean laakiin Mourinho ayaa gadaal u qabtay ka hor inta aan laga saarin garoonka.
Balse Mourinho ayaa aaminsan in garsoorayaasha ay saameyn weyn ku lahaayeen natiijooyinka kooxdiisa xilli ciyaaredkan iyo gaar ahaan ciyaartii maanta isagoo si kajan ah ugu hambalyeeyay garsoore Mike Dean iyo madaxa garsoorayaasha Mike Riley.
Tababaraha Chelsea Mourinho ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Jawaabteyda waa mid sahlan. Hambalyo ayaan leeyahay ciyaartoydeyda. Waxa ay isku dayeen wax walba, wax walba garoonka ayaa uga tageen. Tan labaad, hambalyo ayaan leeyahay Sunderland waa ay badiyeen waxaana ay heystaan seddex dhibcood oo muhim ah. Waxba ma ahan sida ay ku heleen iyo sababta ay ku heleen.
“Hambalyo ayaan leeyahay garsoore Mike Dean shaqadiisa waxa ay xaqiiqdii aheyd mid cajiib ah, hambalyo ayaan leeyahay madaxa garsoorayaasha Mike Riley sababtoo ah qaabka uu wax isagu agaamisay iyo hamigooda ay gaaryaan.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada