Lammaanaha is Qaba oo la Ogaaday in Murankoodu Bato Markay Gaajaysan Yihiin

Lammaanaha is Qaba oo la Ogaaday in Murankoodu Bato Markay Gaajaysan Yihiin

daajis.com:-Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhalatay Maraykanka, ayaa daboolka ka qaaday in lammaana is qaba murankoodu aad u bato marka calooshodu gaajaysan tahay, isla markaana aanay waxba cunin.

Khubaradan waxay daraasadooda ku iftiimiyeen in dadka gaajaysan aad u cadho badan yihiin, gaar ahaan dadka is qaba aad isugu xanaqaan marka aanay waxba cunin, taasoo haweenka lagula taliyey in ay saygeeda waqti hore cuntada u soo dhigto, kadibna kala hadasho wixii ay doonayso marka uu dhergo.
Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen marka aan qofku wax ku filan cunin in maskaxdu bilaa awood noqoto, qofkuna ay ka lunto is xakamayn la’aantu, taasina ay sababtu inuu ka cadhoodo wax kasta oo uu dareemo in ay dhib ku yihiin.
tahay jidhkeena culayskiisa, haddana waxay quudata 20% cuntada iyo tamarka aynu cuno, waana xubin baahi badan marka tamarka loo eego, waana waano fudud oo muhiima, ka hor inta aydaan dood isla gelin qofka aad is jeceshihin, iska hubi inuu gajoonayo amma aad gaajoonayso,” ayaa lagu yidhi cilmi-baadhistan.
Cilmi-badhayaashan Maraykanka ah waxay waanadooda soo saareen, kadib markii ay daraasad ku sameeyeen xaddiga tamar amma sonkorta ah ee dhiiggu u sameeyo lammaanaha is qaba.
In ka badan 100 qoys oo laga buuxiyey macluumaad (Questionnaires) ku saabsan sida xidhiidhkoodu yahay, kadibna la cabiray xaddiga sonkorta ah ee jidhkooda ku jirta xilliyada subaxda iyo fiidka, waxa kale oo la cabiray cadhoodooda habeenkii halkay taagan tahay, waxaana la ogaaday in lammaanaha gaajada ku wadahadla xidhiidhkoodu halis galo amma ay muran xun isla gadhaan.

Mr. Brad Bushman oo ka tirsan Jaamacadda Ohio State University oo khubarada cilmi-baadhista samaysayna ka mid ah waxa uu sheegay in marka tamarta jidhku ku yar tahay, qofku daremo cadho badan, lammaanuhuna xad-gudub iyo muran xun dhex maro, xataa haddii xidhiidhkooda iyo jacaylkooduba aad u wanaagsan yahay.
Ibraahim Khadar Siciid

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada