War Deg Deg Ah Cusmaan Xaadoole oo laga baadi goobayo Balcad iyo Ciidamo katirsan Dowlada oo la wareegay Degmadaasi

War Deg Deg Ah Cusmaan Xaadoole oo laga baadi goobayo Balcad iyo Ciidamo katirsan Dowlada oo la wareegay Degmadaasi

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo duulaan ku qaaday degmadasai goordhaw la wareegeen .

Ciidamada Dowlada ee weeraray Degmada Balcad ayaa ka kala tagay Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho kuwaa oo dagaal Balcad kula galay ciidamo daacad u ah Gudoomiyhii hore ee Degmadaasi Cusmaan Xaadoole oo dhawaan xilka laga qaaday.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Dagaal Culus uu ka dhacay Degmada Balcad kahor inta aan laga saarin Ciidamadii daacada u ahaa Gudoomiyhii hore ee Degmadaasi Cusmaan Xaadoole.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe Cabdi Jiinow Calasow oo goordhaw Waraabhinta la hadlay ayaa sheegaya in Goordhaw Balcda laga saaray Ciidamo uu watay Gudoomiyhii hore ee Degmada Balcad , waxa uuna sheegay in halkaasi la wareegeen Ciidamo katirsan Dowlada.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in qaar kamid ah Ciidamadii uu watay Gudoomiyaha Balcad Cusmaan Xaadoole gacanta lagu dhigay , waxa uuna tilmaamay in hada lagu daba jiro sidii loo soo qaban lahaa Gudoomiyhii hore ee Balcad.

Xaalada Degmada Balcad oo maalintii labaad dagaalo ka dhaceen ayaa hada u muuqata mid dagan , waxaana halkaasi lagu arkayaa ciidamo cusub oo katirsan Dowlada oo goordhaw Dagaal kula wareegay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada