Man United Oo Garaacday Norwich Iyadoo Giggs Uu Guul Wayn Ku Furay Kulan Kii Sii Ugu Horeeyay Isagoo Tababare Ah.

Man United Oo Garaacday Norwich Iyadoo Giggs Uu Guul Wayn Ku Furay Kulan Kii Sii Ugu Horeeyay Isagoo Tababare Ah.

daajis.com:-Man United ayaa gaartay caawa guul ay u qalantay kadib markii ay 4-0 ku garaacday kooxda Norwich City oo marti ugu ahayd Old Trafford, Rooney iyo Mata ayaa gacan wayn ka siiyay Man United guusha ay ka gaartay Norwich halka Giggs uu ku furtay guul kulan kiisii ugu horeeyay isagoo tababare ah.
Ma United ayaa ciyaarta ku soo gashay weerar iyo niyad dhisnaan, 4 daqiiqo Rooney ayaa kubad halis aheed ku shuuday goolka Norwich lakiin difaaca ayaa iska fogeeyay, kubada ayaa mar kale u tagtay Valencia isagoo shuud xoogan ku riday goolka lakiin difaacyada ayaa koorno isaga saaray kubadda.
Man United ayaa hal keeda ka sii waday weerarka 13 daqiiqo gool haye Ruddy ayaa kubad halis aheed ka badbaadiyay Welbeck kadib markii uu si xooogan ugu shuuday kubadd uu ka helay Evra, 38 daqiiqo Kagawa ayaa u soo dhawaaday inuu 1-0 ka dhigo ciyaarta lakiin kubadiisa birta ayeey hareer martay.
Man United ayaa caawa aad uga gacan saraysa Norwich oo u badneed daafaca, 39 daqiiqo gool haye Ruddy ayaa ka tufay Valencia shuud xoogan oo uu ku soo riday gool kiisa lakiin banaanka ayuu isaga bixiyay kubadaas.
40 daqiiqo garsooraha ayaa rigoore tilmaamay kadib markii qalad lagu galay Welbeck, Rooney ayaa gool u badalay rigooradii loo dhigay isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0, sidaas ayaana lagu kala nastay qaybtii hore.
Qaybtii danbe oo socota 3 daqiiqo Rooney ayaa hogaanka u sii dheereeyay Man United kadib shuud xoogan oo uu ku riday goolka Norwich isagoo baas uu ka helay Kagawa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, 51 daqiiqo Jones ayaa u soo dhawaaday inuu 3-0 ka dhigo ciyaarta lakiin difaaca Norwich ayaa iska bixiyay kubada.
Man United ayaa sii waday weerar keeda aan kala joogsiga lahayn 63 daqiiqo Mata ayaa 3-0 ka dhigay isagoo ku jiray kaliya ciyaarta wax ka yar 3 daqiiqo.
73 daqiiqo Juan Mata ayaa 4-0 ka dhigay kadib markii uu madax ku taabtay kubad uu shuuday Valencia, Mata ayaa dhaliyay 2 gool 1o daqiiqo gudaheed isagoo wax wayn kabadalay weerarka kooxdiisa markii uu soo galay.
76 daqiiqo Young ayaa u soo dhawaaday inuu gool qurux badan u dhaliyo United lakiin birta ayeey hareer martay kubadiisa, dhamaadkii ciyaarta Norwich ayaa isku dayday inay dhaliso gool lakiin kubad halis aheed ayeey ku dhufteen birta taas oo aheed isku daygoodii ugu fiicnaa intii ay socotay ciyaarta.
Dhamaadkii ciyaarta Chicharito ayaa iska qasaariyay furasd dahabi aheed kadib kubad uu ku helay gool hayaha, ciyaarta ayaaa ku soo idlaatay 4-0 oo ay guushu ku raacday Man United.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada