Milkiilaha gaarigii lagu qarxiyay Pangani oo la soo qabtay

Milkiilaha gaarigii lagu qarxiyay Pangani oo la soo qabtay

daajis.com:-Booliska Kenya ayaa xiray mulkiilaha gariigii lagu qarxiyay saldhiga ciidamada booliska ee xaafada Soomaalida ka dagto Nairobi ee islii (Pangani Police Station).

Gaarigan ayaa waxaa loo adeeg saday qarxinta saldhigan Pangani Police Station kaas oo afar ruux ku dhinteen, Labo askar iyo labada nin ee gaariga qarxay watey markii hore.

Sida ay sheegtay wasaarada canshuuraadka iyo diwaangalinta Hantida kenya, Gaarigan oo noociisa ahaa Toyota midkiisuna ahaa cadaan ayaa waxa uu ku diwaan gashnaa magaca nin la yiraahdo Ahmed Dugal Ali.

Booliska ayaa sheegay inay khamiistii soo xireen ninkan oo magaciisa ku sheegeen Axmed Dugaal, laguna eedaynayo inuu lahaa baabuurkii qaraxa geestay sababayna dhimasada labo askari.

Gaarigaan ayaa waxaa booliska xaafada islii istaajiyeen xili uu marayay wado khaldan halkaas oo su aalo kadib, ay labo askari fuuleen gaariga si labada nin ee gaariga wadatay loogu taxaabo saldhiga, kadib markii saldhigii la gaaray, labada nin ee gaariga watay ayaa is qarxiyay halkaas oo labadii askari iyo labadii is qarxiyay ba ku dhinteen.

Ma cadi halka ay labadan nin rabeen inay qarxiyeen walow booliska ay shaki galiyeen in labadan nin usocdeen inay qarxiyaan meel fagaare ah oo barnaajim TV show ah ay ku dhigateen Taleefishin Kenya ka howl gala oo lagu magacaabo KTN.

Showgan oo lagu qabanayay xaafada islii loogana hadlayay howlgaladda ciidamada ammaanka Kenya ay kawadaan xaafada islii ee soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa lagu waday inay kasoo qayb galaan masuuliyiin hada iyo harayba uga tirsanaa dowladda Kenya oo ka mid yahiin Yusuf xasan, xildhibaanka xaafada islii iyo faarax macalin, gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya iyo David Kimaiyo, taliyaha ciidanka booliska Kenya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada