Shir looga hadlay malgashiga Soomaaliya oo mar kale dubai lugu qabtay [Sawirro]

Shir looga hadlay malgashiga Soomaaliya oo mar kale dubai lugu qabtay [Sawirro]

daajis.com:-Shir weyne markii labaad ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraatka Catabta ayaa si dheer looga hadlay malgashiga Soomaaliya,kaaso xilligaan la soo gaba-gabeeyey.
Waxaa la sheegay inuu qeyb ka yahay shirkan markii labaad la qabtay sidii shirkaddaha ajaanibta iyo kuwa Soomaalida ah looga dhaadhicin lahaa inay maalgalin ku sameystaan Soomaaliya oo xilligaan la sheegay inuu isbadal ka jiro.
Inta uu soconayey shirka waxaa lugu falan-qeeyey fursadaha malgashi ee xilligaan ka jira Soomaaliya,waxaana ka soo qeyb-galaasha shirka oo u badna shirkado ajaanib ah ay sheegen inay xilligaan muuqanayso fursado malagalin oo ay ka sameeyn karan gudaha Soomaaliya.
waxaa goob-jog uu ahaa shirka madax sare iyo wasiirro ka kala socota dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay, Saciid Ali Qorsheel, Yuusuf Macallin Amiin iyo raiisul wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi,halka sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta, rugta ganacsiga Dubai iyo safaaradaha dowladaha Mareykanka, Jarmalka, Taliyaaniga iyo Turkiga,waxaa iyaguna goobta joogay shirkado gaaraya 70 shirkakood oo caalami ah oo daneeynaya inay maal-gashadaan Soomaaliya.
Wasiirka gaadiidka dowladda faderaalka Soomaaliya, Saciid Cali Qorsheel ayaa hadal



uu shirka ka jeediyey waxaa uu ku sheegay in xilligaan dowladda ka jirta dalka ay tahay mid dadaal ugu jirta sidii indha caalamka loo tusi lahaa fursadaha maalgalin ee ka banaan Soomaaliya,waxuuna inta ku daray in shirka uu ahaa mid muujinayey isbedelka fiican oo ka jira dalka sida uu sheegay.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku soo hadal qaaday inay rajeynayan wajiga saddexad ee shirka inuu ka dhaci magaalada caasumada ah ee Muqdisho.
Qaban-qaabada shirka iyo qabsoomidisa waxaa iska lahayd Somali Economic Forum,waxaan hadallo ka jeediyey shirka inta badan xubnihi matalayey shirkada xilligaan doonaya inay eegan malgalinta Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 20:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada