Ciidammada Kenya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen labo nin oo u dhalatay dalkeeda oo la sheegay in la afduubay sanadkii 2011-ka

Ciidammada Kenya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen labo nin oo u dhalatay dalkeeda oo la sheegay in la afduubay sanadkii 2011-ka

daajis.com:-militeriga Kenya ayaa sheegay in labadan nin ay baaritaan caafimaad marayaan magaalada Dhobley, ka hor intaan loo soo gudbin magaalada Nairobi, laba maalmood kaddib. 

Daniel Njuguna iyo James Kiarie ayaa u kala shaqeynayay hay'adaha MSF iyo Care International ka hor intaan la afduubin, sida nuu sheegay militeriga Kenya.
Hay'adda MSF
ayaa sheegtay in aysan xaqiijin karin in mid ka mid ah raggan uu u shaqeynayay.
Dabayaaqadii bishii labaad ee February, ayay Al-Shabaab internet-ka soo geliyeen muuqaal muujinayay labadan nin oo lagu dhawaaqay in la sii daayay kaddib markii ay "qaateen diinta Islaamka".
Madaxda Al-Shabaab ee goobtaas ka hadashay ayaa sheegay in raggaas ay xor u yihiin inay ku noolaadaan goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 20:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada