Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo baaq u jeediyay shacabka degan goobaha ay la wareegtay Dowladda

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo baaq u jeediyay shacabka degan goobaha ay la wareegtay Dowladda

daajis.com:-Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Waljameeca ayaa baaq u jeediyay shacabka degan goobaha ay la wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna Goluhu sheegay hoosta ka xariiqay inay shacabku ka faa'iideystaan isbedelka ka dhacay gobolada dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo uu ku saxiixnaa Sheekh Maxamed C/raxmaan Xasan ayaa loogu baaqay shacabka degan goobaha laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab inay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, isla markaana ciidamada ay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan dhaqdhaqaaqyo amnigooda dhaawacaya.

"Shacabku waa inay u midoobaan kuwa u hanjabaya haddii ay guryahooda sii joogaan ee leh waxaad ka mid tihiin murtadiinta, Inaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Culumada Ahlu Sunna waljameeca.

Waxaa kale oo ay sheegeen Culumaa'udiinka Ahlu Sunna in haddii shacabka degan goobaha laga xoreeyay maleeshiyooyinka Al-Shabaab ay ka adkaan karaan kuwa u hanjabaya isla markaana ay ciidamada ku wargeliyaan meel kasta oo ay ka joogaan degaanadooda.

Dhinaca kale Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa ku booriyay dadka ku dhaqan degaanada Ceelbuur, Ceel Qooxle, Wabxo iyo degaanada kale ee ku dhow dhow inay ciidamada huwanta ah kala shaqeeyaan kala shaqeeyaan sidii degaanadooda looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu maciin biday inay afduub ugu heystaan qaar ka mid ah dadka degaanadaasi ku nool.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 18:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada