Daawo:- Isku Aadka Semi-finalka Europa League Oo La Soo Saaray.

Daawo:- Isku Aadka Semi-finalka Europa League Oo La Soo Saaray.

daajis.com:-Kooxdii xilli ciyaareedkii hore soo gaartay finalka Europa League Benfica ayaa ku dhacday Juventus isku aadka semi-finalka Europa League.

Juventus oo xilli ciyaareedkan martigelineysa finalka Europa League ayaa maanka ku heysay inay si rikoor ah markii afaraad ugu guuleysato Europa League, halka Benfica ay doonayaan iska baabi’iyaan madax xanuunkii ka soo gaaray Chelsea finalkii Amsderdam.

Benfica iyo Juventus isma aysan arkin tan iyo 17kii March 1993, waana kulanka kaliya ee afar kulan ee ay badisay Juve iyadoo tababare Antonio Conte uu kulankaas ciyaarayay.

Dhanka kale kooxaha reer Spain ee Sevilla iyo Valencia ayaa qoorta isku galay semi-finalka Champions League, taasoo la micno ah in koox reer Spain ah ay soo gaari doonto finalka Europa League.



Isku Aadka Semi-finalka Europa League:

Sevilla v Valencia

Benfica v Juventus

Lugta hore ee semi-finalka waxaa la ciyaarayaa 24ka April halka lugta labaad la ciyaari doonto 1da bisha May. Finalka oo sannadkan lagu qabanayo garoonka Juventus ee magaalada Torino ayaa dhacaya 14ka bisha May.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 18:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada