Real Madrid v Bayern Munich – Isku Aadka Semi-finalka Champions League Oo La Soo Saaray.

Real Madrid v Bayern Munich – Isku Aadka Semi-finalka Champions League Oo La Soo Saaray.

daajis.com:-Kooxda ceyrsaneysa koobkeedii 10aad ee Champions League Real Madrid ayaa semi-finalka Champions League waxa ay qoorta isku geli doonaan kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich.

Kulankaan ayaana dabcan ah kulanka ugu weyn semi-finalka Champions League iyadoo labadaan kooxood aysan isku cusbeen waxaana ay markii afaraad isku arkayaan semi-finalka. Waxaana ugu danbeysay kulankii ay rigoorayaal ku badisay Bayern Munich ee semi-finalkii 2011-12.

Kulanka kale ee xiisaha leh ayaa ah in Atletico Madrid ay lugta hore soo dhaweyn doonto kooxda Chelsea oo koobkaan hanatay 2012, halka Atletico ay ciyaareyso semi-finalkeedii ugu horeysay muddo 40 sanadood ah.

Waxaana kulankaan xiiso ka leh go;aanka Uefa ee goolhaye Courtois iyagoo ku qasbaya Chelsea inay u ogolaato goolhayaha inuu ka horyimaado islamarkaana iska ilowdo heshiiskii lacagta ahaa ee ay la galeen Atletico Madrid.

Dhanka kale waxaa semi-finalkaan ka soo bixi kara final ay isagu yimaadaan kooxaha reer Spain Real Madrid iyo Atletico Madrid, ama ku celiska finalkii 2012 ee Bayern Munich iyo Chelsea.
Isku Aadka Semi-finalka Champions League:

Real Madrid v Bayern Munich
Atletico Madrid v Chelsea

Semi-finalka lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 22ka iyo 23ka April halka lugta labaad la ciyaari doono 29ka iyo 30ka April. Finalka Champions League waxaa la qaban doonaa maalinta sabtida 24ka May iyadoo uu finalka ka dhici doono garoonka kooxda Benfica Estádio do Sport Lisboa

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 18:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada