Shirweyne magaalada Hargeysa uga furmaya maanta xisbiga Kulmiye

Shirweyne magaalada Hargeysa uga furmaya maanta xisbiga Kulmiye

daajis.com:-Magaalada Hargeysa , waxaa rasmi ahaan uga furmaya goor dhow shirweynaha shantii sano mar la qabto ee xisbiga talada haya Somaliland ee kulmiye .

Shirkaasi wuxuu socon doonaa laba maalmood, waxaana lagu dooran doonaa hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee soo socota oo kala ah ; Gudoomiyaha xisbiga , afar guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye guud.
Waxaa kaloo lagu dooran doonaa guddiga fulinta ee xisbiga, iyo gole dhexe oo dhan ku dhowaan 300 xubnood .
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ii sheegay in guud ahaan ergooyinka shirweynaha ee wax dooranayaa oo dhan 1162 ergay ay haatan joogaan .
Waxaa kaloo jira ilaa 400 ergay oo goob jooge ah.
Waxay ka kala yimaadeen ergooyinku gobollada iyo degmooyinka Somaliland, haweenka, dhallinyarada, iyo qurbajoogta taageera xibigan Kulmiye .

Dib u dhaca shirarka Kulmiye

Shirweynahan xisbiga kulmiye dhowr jeer oo hore ayuu dib u dhacay khilaaf iyo loollan dhinaca awoodda ah oo xisbiga dhexdiisa ah.
Waxaa markii danbe soo farageliyay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo u saaray guddi lagu magacaabay guddiga turxaan bixinta xisbiga kulmiye.
Gudigu waxay markii danbe go’aamiyeen in aan lagu tartamin jagooyinka hoggaanka sare ee xisbiga oo sidoodii hore loo daayo .
Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa ku tilmaamay shirweynahan xisbiga Kulmiye shir beeleed ergooyinkiisa lagu soo xulay qaab qabiil, isla markaanaa aanuu tartan ka jirin madasha.

Hase yeeshee gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyntaasi ku sheegay waxba kama jiraan.

Wuxuu sheegay in iyagu ergooyinka ku qaybiyeen deegaanno ee aanay ku qaybin qabiil, isagoo sheegay in cidii tartameysa aan loo diideyn xisbiga dhexdiisa.
BBC-somali
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada