Wasiirka Amniga Soomaaliya oo iska indho tiray in uu ka jawaabo Su’aal adag oo Baarlamaanku kusoo cel celiyeen

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo iska indho tiray in uu ka jawaabo Su’aal adag oo Baarlamaanku kusoo cel celiyeen

daajis.com:-Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay hor tagay Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga jawaabo Su’aalo ay Xildhibaanadu ka weediinayeen arimo la xariira amaanka Qaranka.

Wasiirka ayaa ka Jawaabay Su’aalo badan oo la weediiyay waxa uu sidoo kale iska indho tiray kana meer meeray Su’aalo ay Xildhibaanada qaarkood dhoor mar kusoo celiyeen taa uu u waayay Jawaab waafi ah sidaa darteedna aambo ka jawaabin.

Su’aashii ugu adkeed ee Xildhibaano Dhoor ah kusoo cel celiyeen ayaa aheed in Wasiirka iyo Hay’ada Amaanka Qaranka Taliskooda ay iscasilayaan kol hadii ay ku fashilmeen wax ka qabashada amaanka Dalka oo loo igmaday.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa Su’ashaasi si cad uga leexday waxa uuna ka gaabsaday in uu ka jawaabo , taa ay Dadku u qaateen in uusan Diyaar u aheyn in uu Wasiirka katago Xilkiisa hadii uu xitaa yimaado Fashilkii ugu weynaa ee dhnaca amaanka.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa la filayaa in maanta mar kale uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya si ay Su'aalo u weediiyaan Xildhibaano badan oo is qoray kuwaa uu shalay waqtiga u saamixi waayay in ay Su'aalo weediiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada