Soomaali Gaaloowday oo ka cabsaneysa in Xeryaha Qaxootiga Kenya ama Dalka Soomaaliya xiligan lagu celiyo

Soomaali Gaaloowday oo ka cabsaneysa in Xeryaha Qaxootiga Kenya ama Dalka Soomaaliya xiligan lagu celiyo

daajis.com:-Mid kamid ah Dadka Soomaaliyeed ee ka baxay Diinta Islaamka sheegayna in uu Krishtaan noqday ,ayaa sheegay in xiligan Cabsi badan ka qabaan in Dowlada Kenya ku celiso Xeryaha Qaxootiga Kenya ama Gudaha Soomaaliya.

Yuusuf Maxamuud oo Kunool Magaalada Nairobi ayaa u sheegay Idaacada BBC-da in uu ka baxay Diinta Islaamka isla markaana uu qaatay diinta Krishtaanka , waxa uuna tilmaamay ninkan markii uu labada diin darsay kadib uu Diinta Krishraanka qaatay Sanadii hore ee 2013-ka.

Ninkan ka baxay Diinta Islaamka oo kunool Xaafada Islii ayaa tilmaamay in Magaalada Nairobi ay joogaan isaga iyo koox kale oo isugu jira Rag iyo Dumar oo qaatay Diinta Krishtaanka , waxa uuna ninkan tilmaamay in ay ka baqayaan in Al-Shabaab dilaan hadii Xeryaha Qaxootiga Kenya ama Dalka Soomaaliya loo celiyo.

‘’ Anaga oo ah Soomaali kirishtaan badan hadii nalagu celiyo xeryaha qaxootiga een kasoo cararnay Dowlada Kenya ma waxey rabtaa in Al-Shabaab noola gacan galiyo oo ay na jar jaraan ‘’ ayuu yiri Ninkan Baadiyoobay ee ka baxay Diinta Islaamka.

Mar la weediiyay waxa ninkan ku kalifay in Diinta Islaamka ka baxo ayuu sheegay in uusan diinta Krishtaanka u qaadan aduunyo balse markii uu dhinacyo badan ka fiiriyay una soo baxday sida uu tilmaamay in uu noqdo nin Krishtaan ah.

Yuusuf Maxamuud ayaa xusay in caawinaad yar ka helaan isaga iyo koox kale oo gaalowday Kaniisadaha , waxa uuna tilmaamay in aysan jirin caawinaad badan ay helaan isaga iyo asxaabtiisa uu xusay qaarkood in dhawaan Diinta Isaamka ka baxeen halka kuwa kalana sanado kahor ka baxeen.

Wadamo badan oo kuyaala Caalamka waxaa ku nool xiligan Soomaali baadiyowday oo sheegtay in ay ka baxdeen Diinta Islaamka , kuwaa oo Islaamnimadooda ku badashay Dhal dhalaalka dunida ee waqtiga yar la joogayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada