Soomaaliya oo tarxiileysa dad Kenya u dhashay oo sharci darro ah ku jooga somalia

Soomaaliya oo tarxiileysa dad Kenya u dhashay oo sharci darro ah ku jooga somalia

daajis.com:-Waxay u egtahay in la kala aargoosanayo, Police-ka caasimadda Soomaaliya waxa ay bilaabeen raadinta muwaadhiniin u dhashay dalka Kenya oo ka shaqaysta Xamar kuwaasi oo laga yaabo in aysan dalka sharci ku joogin ama sharciyadooda dhaceen.

Shaqaale baddan oo Kenyan ah oo tiradooda sii kordheyso ayaa ka shaqeeya dhismayaasha, goobaha waxbarashada iyo waliba hoteelada.
War aan wali naloo xaqiijin waxa uu sheegey in ugu yaraan haatan hal qof laga tarxiiley caasimadda kaasi oo kabe-tole ku ahaa magaalada.
Waxa tani looga jawaabayaa qabqabashada dadka Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool iyo waliba dhibaatada la gaarsiinayo.
Warar kale oo aan heleyno waxa ay sheegayaan in waxa dhacaya ay saameyn xun ku yeesheen shirkado Kenyan ah oo iyagu mashaariic ganacsi ka waday Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 13:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada