Tata Martino:- Oo Qirtay Inuu Ku Qaldamay Badalkii Uu Badalay Andres Iniesta.

Tata Martino:- Oo Qirtay Inuu Ku Qaldamay Badalkii Uu Badalay Andres Iniesta.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Barcelona Tata Martino ayaa qirtay inuu ku qaldamay badalkii uu u taagay kubad sameeyaha kooxdiisa ee Andres Iniesta kulan kii ay guul daro 1-0 ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid.
Martino ayaa ku dooday inuu u maleynayay in Iniesta uu dareemayay daal taasna ay keentay inuu badalo isaga, sidoo kale wuxuu shaki galiyay mustaqbal kiisa kooxda Barcelona.
Tata oo qabtay shirkiisa jaraa,id ee ka hor kulan ka Granada ayaa yiri “Waxaan u malaynayay in Iniesta uu dareemayay daal, lakiin waxaan u malaynayaa inaan ku qaldamay badal kaas”.
Martino oo ka hadlay ka haritaan kii ay ka hareen Champions League ayaa yiri “Dhabtii wali ciyaartoydu waa kuwo murugaysan kadib ka haritaan kii Champions League lakiin waxaan kasoo kabsan doona kulamada horyaalka ee soo socda”.

Tata Martino ayaa wax laga waydiiyay hoos u dhacii soo wajahay Messi kulan kii Atletico Madrid wuxuuna ku jawaabay:
“Waxaan ka badalay Messi boos kii uu ka ciyari jiray waayo waxaan doonayay inuu ka ciyaaro gudaha difaacyada si uu wax uga badalo ciyaarta”.
Martino ayaa la waydiiyay ugu danbayntii mustaqbal kiisa kooxda Barcelona wuxuuna ku jawaabay:
“Markii aad guul daraysato kulan muhiim ah, waxaa hubaal ah in aad galayso dhibaato culus”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada