3 Nin oo mid kamid ah soomaali yahay ayaa tuhun argagixisnimo loogu qabtay Norway

3 Nin oo mid kamid ah soomaali yahay ayaa tuhun argagixisnimo loogu qabtay Norway

daajis.com:-Booliska dalka Norway qeybtiisa sirdoonka ee loo yaqaan PST ayaa saakay waaberigii laba adres oo cayiman ugu galay sadex nin oo uu midi yahay soomaali kuwaas oo lagu tuhunsan yahay arrimo argagixisnimo.

Labada nin ee kale ayaa kasoo jeeda dalkii la oran jiray Yuguslavia, balse waxa ay sadexdooduba haystaan dhalashada Norwijiga.

Soomaalida ayaa da`diisa lagu sheegay 29-jir, halka labada kala iyana lagu kala sheegay 27 iyo 25.

Qabashadooda ayaa salka ku haysa dagaalada ka socda dalka Suuriya oo ay dhalinyaro badan oo Norway ka tagtay ku biireen.

Ninka soomaaliga ah ayaa loo magacaabay qareen caan ka ah Norway kaas oo lagu magacaabo John Christian Elden.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada