daajis.com:-Maalmahan jaraa’idka dalka Kenya waxaa ka buuxa oo kusoo baxa sheekooyin la xiriira ciidamadda Kenya ee ka tirsan AMISOM ee ka hawlgalaya Jubbooyinka, waxay muujinayaan qisooyin wargeysyada ku micneynayaan in ay “geesinimo” ahaayeen, kuwa murugo leh iyo qoysas burburey.
Mid ka mid ah sheekooyin uu ay soo qoreen wargeysyada waxaa ka mid ah askari Kenyan oo saqdhexe habeenimo xaaskiisa wacay isagoo dhufeys kaga jira Dhoobleey, kadibna leerka ka bikaacaya taleefoonkiisa inta meel kore la arkay lasoo shiishey sidaasina toogasho lagu diley, falkaasi ay geysteen Shabaab, xiliguna ahaa 2012.
Xaaskii uu ka dhintey askarigaasi Doreen Magak ayaa sheegtey in ninkeeda oo lagu magacaabi jirey Edward Juma Okoyo la toogtey iyadoo maqlaysa oo uu markaasi taleefoonka kula hadlayay.
Waxaa kale oo sheekooyin jaraa’idka Kenya ay qorayaan ka mid ah askari ka boodey gaari dushiis oo dhabar dhabar dhulka ugu dhacay, kadibna ka naafoobey xangulaha, iyadoo xitaa aanan maanta guursan karin.

Askarigani dhintey wuxuu ahaa mid bilado geesinimo uu ku taxay madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki waxaana lagu magaacaabaa Kevin Webi, wuxuuna ahaa askarigii sedexaad ee Kenya laga dilo isla markii ay ka talaabeen xuduudda Soomaaliya.
Waxaa jirey askari kale oo uu caloosha ka jiirey taangiga ciidamadda Kenya.
Wali lama shaacin tirada askarta Kenya oga dhimatay hawlgalka nabad illaalinta ee Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:39 and have
, Published at