Warbixin:- Fakhriga Madowga iyo Latinos-ka Mareykanka ay..

Warbixin:- Fakhriga Madowga iyo Latinos-ka Mareykanka ay..

daajis.com:-Warbixin cusub ayaa sheegaysa in dadka madow iyo dadka loo yaqaano Latinos ee Mareykanka ku nool uu dhaqaalahooda hoos u sii dhacayo marka la barbardhigo caddaanka.

Urur magaciisa la yiraahdo The National Urban League ayaa warbixin sannadeedkiisa oo uu ugu magac darey "Ummad Shaqo la’aantu ay ku Baahday " waxaa uu ku xusey in madowga Mareykanka iyo Latinos-ka heerkooda shaqo la’aan uu aad u sarreeyo, isla markaana dakhligooda uu aad uga hooseeyo caddaanka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ka badan boqolkiiba labaatan dadka madowga iyo 18 boqolkiiba ee dadka Latinos-ka ay shaqo la’aan yihiin, amaba ay shaqeeyaan shaqo muddo dhimman, iyagoo u baahan shaqo joogta ah marka la barbardhigo 12 boqolkiiba ee shaqaalaha caddaanka ah.

Madaxa ururka National Urban League Marc Morial, ayaa sheegay in Mareykanka uu ka jiro "faraq weyn " oo u dhexeeya dadka guryaha leh, kuwa haysta shaqooyin sugan, kuwa leh xisaabaadka kaydka bankiyada iyo kuwo noloshooda ay aad u hooseyso.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada