daajis.com:-Maanta Dunidaan aan ku nool nahay waxaa shirkaddi shirkadd kale kaga horumartaa ma aha maamulka oo la hagaajiyo kaliya laakiin waxaan oran karaa waa sida loo maamulo waaxda suuq-gaynta (marketing).
SHirkad Waliba inta uu gaarsiisan yahay Nidaamkeeda suuq-gayntu ayu gaarsiisan yahay kobaceeda,(Growth) iyo faa,idadeeduba.( Profit).
Nidaamka suuq-gayntu (marketing) waxaa uu leeyahay qeexino kala duwan laakiin hal ujeedo leh. Philip Kotler oo ah profoser u dhashay Dalka maraykan ka, isla markaana ah qoraaga buuga caanka ah ee layiraahdo " Marketing Management" isagoo qeexaya Nidaamka suuq-gaynta (Marketing) wuxu yiri
"Marketing waa nidaam qorshaysan ujeedadiisuna tahay sidii loo hir-gelin lahaa dhaqdhaqaaq ganacsi si la isugu keeno iibiyaha (seller) iyo iibsadaha (buyer) si ay isu waydaarsadaan wax labadoodaba dani ugu jirto oo ah adeeg ama badeeco"
Waxaa kale oo lagu qeexaa waa habka shirkadduhu u abuuraan macaamiil raba badeeco ama adeeg. Waxa kale oo lagu qeexaa waa nidaam maamul oo ujeedadiisu tahay sidii loo aqoon san lahaa, loona daraasayn lahaa loona raali gelin lahaa macaamiisha si faaiido loo helo.
Waxaa kale oo lagu qeexaa keenida badeeco xiliga saxda ah ( right product), goobta saxda ah (the right place), waqtiga saxda ah (right time) iyo qiimaha saxda ah (right price).
Marketing waxaa uu ka kooban yahay go’aaminta afar “ 4P” kuwaas oo ah product, place, promotion and price .
Fikradda guud ee suuq-gayntu (marketing concept) waa in aad ogaato baahida macaamisha si fiicana aad u gaarsiin karto badeeco ama adeeg adoo ka hormaraaya dhamaan shirkadaha kale si faaiido aad u hesho.
Haddii aan la samayn marketing waxaa cad in ay adag tahay xataa haddiiba aad hayso badeeco ama adeeg fiican in lagu guulaysto. Shirkaddaha badanaa guuldaraysta waxaa aanay si fiican u daraasayn suuqa iyo waxa ka socda iyo baahida macaamiisha.
NB: Bandhiga mohamed omar, waa madal si gaar ah diirada loogu saari doono arimaha laxiriira barashada Maamulka iyo Maaraynta (Management), waxaaan si gaar ah xooga usaari doona inta alle naga waafajiyo, Human Resource Management, Marketing Management, financial management, maalmaha Qaarna waxaaan eegi doona Hadii eebe idmo, Business Feasibility Study, iyo wixii kale ee aan u aragno inay wax tar u leeyihin Bulshada.
Lasoco Qaybta 2aad Usbuuca Dambe Hadii Illah Idmo
W/Q:- Mahamed Omar Jamac (Luqmaan)
EMAIL: superluqman1@gmail.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at