Baarlamaanka oo u eg mid shaqadiisa kasoo baxaya, xukuumadda oo walwalsan

Baarlamaanka oo u eg mid shaqadiisa kasoo baxaya, xukuumadda oo walwalsan

daajis.com:-Bilihii lasoo dhaafay baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin aanan horey looga baran oo uu si rasmi ah kula xisaabtamayo xukuumadda, wuxuuna laalay go’aamo mugdi baddan ku jirey oo horey xukuumadda ugu talaabsatay.

Sida aan wararka ku heleyno talaabadii ugu dambeysey ee baarlamaanka ku dhaqaaqay taasi oo si weyn oga murugsantahay xukuumadda, gaar ahaan kuwa macaashka ku qabay arrinkani ayaa ah in heshiiskii shirkadda FAVORI ee turkiga ee garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan uu baarlamaanka ku tilmaamay mid sharci darro.

Gudiga baarlamaanka ee gaadiidka ayaa maanta fadhi u baarlamaanka lahaa ka sheegey in wasaaradda gaadiidka laga codsaday in heshiiskaasi la hor keeno baarlamaanka, wuxuuna gudiga sheegey in heshiiskaasi uu baalmarayo sharciga dalka.

Sida laga warhayo heshiiskaasi ayaa waxa uu ahaa mid macaash baddan ku qabeen rag olog la ah madaxweynaha, iyadoo wasaaradda gaadiidka lagu cadaadiyey saxiixa heshiiska.


Waxay u badantahay in baarlamaanka uu laalo heshiiskaasi ama dib loo flanqeeyo qodobada heshiiska lagana saaro qodobada halista ah.

Horey waxa uu baarlamaanka u laalay mashruucii teesaraha lagu samayaynayay taasi oo lacago baddan lagu leexsaday, islamarkaasina shirkado madaxweynaha xiriir la leh ay ka macaashayeen.

Waxaa kale oo jirta in wasiiro baddan baarlamaanka looga yeerey oo su’aalo lagu weeydiinayo go’aamo baddan oo ay qaateen kuwaasi oo aysan danta qaranka ku jirin.

Go’aankii ugu caansanaa wuxuu ahaa kii loogu yeerey safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya kadib dhibaatadii loo geystey Soomaalida, wuxuuna go’aankani xukuumadda iyo madaxweynahaba ku qasbay in ay talaabo qaadaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada