Sterling:- Caqabadaha Aan Kagudbay Ayaa furo U Ahay Hormarkeyga.

Sterling:- Caqabadaha Aan Kagudbay Ayaa furo U Ahay Hormarkeyga.

daajis.com:-Rahem Sterling ayaa xoreestay booskiisa kooxda koowaad ee Liverpool taniyo December tii ina dhaaftay markaas uu kusoo baxay ciyaartii kadhacday Anfield ay Norwich uga badiyeen 5-1, weeraryahankaan ayaa aaminsan in mas’uuliyada uu isi saaray iyo caqabadihii uu ka gudbay ay soo dadajisay hormarka lataabanka karo uu sameeyay xilli ciyaareedkaan.

Wixii kadanbeeyay kulanke laciyaareen Canaries, Sterling ayaa dhaliyey 8 gool oo kale “Waxaa laga yaaba dadka kabaxsan kubada cagta inay leeyihiin aragti, balse run ahaantii mar walbo waan isku kalsoona” ayuu usheegay cadadkii udanbeeyay ee Liverpool Magazine.
“Kadib bilow wanaagsan (dhamaadki Xilli ciyaaredkii hore) waxaan bilaabay inaan fiiriyo ikhtiyaar wanaagsan, halkii aan fursada kaligey qaadan lahaa, inaan qof uganbiyo, inaan nafsad ahaanteyda darbeeyo kubada.
“Waxaan joojiyay inaan wax walbo caadi ahaadan, wax walbo oo aan sameeyay waxaan kuhelay inaan kusoo biiro kooxda weyn welibo aan boos kahelo 11 ugu horeeso.
“Tusaale markaan usoo qaato goolkii aan kadhaliyey City, iskuma dayin inaan kadulqaado banooniga, ama kalsooni xad dhaaf ah igasho, 3,4 bil kahor waan is xakameen jiray halkii aan mas’uuliyad isi saari lahaa.

“ujeedadeeda mar walbo waxey aheyd inaan uciyaaro Liverool, markii aan halkaan imid waxey umuuqatay inaan  gaaray ujeedkeyga, waayo waxaa kujiray kuwa nasiibka leh ee sameeyay, balse waxaad garan kartaa inaysan kaafi eheen, mar walbo waa inaad diyaar u ahaata inaad taxaddi gasho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada