Boqolaal ku dhimatay Turkiga Kadib..

Boqolaal ku dhimatay Turkiga Kadib..

daajis.com:-Qarax ka dhacay goob dhuxasha laga qodo oo ku taalla magaalada Soma ee galbeedka Turkey-ga, ayaa waxaa ku dhintay 201 qof, toboneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda dalkaasi.
Qaraxa ayaa ka dhashay qeybta korontada ee goobta, waxaana wasiirka tamarta ee Turkey-ga, Taner Yildiz uu sheegay in 787 qof ay goobta ku jireen xilliga uu shilka dhacayay.
Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku howlanaa si ay boqolaal qof oo dhulka hoostiisa ku xayiran usoo badbaadiyaan.
Mr Yildiz ayaa sheegay in gaaska suntan ah ee carbon monoxide uu ay shaqaalaha badankood u dhinteen.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyay safar uu ku tegi lahaa dalka Albania shilka awgiis, waxaana uu booqan doonaa goobta uu shilka ka dhacay, sida uu xafiiskiisa sheegay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada