Isku aadka koobka CECAFA Nile Basin Cup oo lasameeyay(Elman oo meel halis ah gashay).

Isku aadka koobka CECAFA Nile Basin Cup oo lasameeyay(Elman oo meel halis ah gashay).

daajis.com:-Ururuka cayaaraha ee bariga iyo bartamaha africa ee loo yaqaano East and Central Africa Football Associations (CECAFA) ayaa ku dhawaaqay isku aadka koobka Nile Basin Cup oo ah tartan cusub oo hada la abuurayo .

Tartanka CECAFA Nile Basin Cup ayaa waxaa uu bilaaban doonaa 22- May waxaana lagu qaban doonaa sanadkan dalka Sudan oo marti galinn doona.

CECAFA ayaa waxaa ay warbxintan ku sheegtay in ay kawada qayb galayaan dhamaan wadamada xubnaha ka ah Cecafa iyo kuwo kale oo lagu casuumo balse Eritrea ay kabaxday tartankan .



Kooxaha ugu magaca wayn ee kasoo muuqday tartankan ayaa waxaa kamdi ah Arab Contractors iyo El Masry oo Masar ah , Sudan’s giant El Merreikh of Khartoum aiyo Al Ahly of Shandy City oo wada suudaan ah.

Sidoo kale Tanzania waxaa u matalaya Mainland Mbeya City FC, waxaana kooxdan ay la dagaalantaa sadexda kooxood ugu magaca wayn dalkaasi oo ay kamid yihiin clubs of Dar es Salaam-Azam, Young Africans iyo Simba.

Wadankeena Soomaaliya ayaa waxaa ugu qayb galaya kooxda Elman FC oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka soomaaliya ee Nation Link Telecom Championship.waxaana Elman ay kulanka ugu horeeya la ciyaari doontaa kooxda FC Leopards oo kadhisan Kenya maalin jimco ah 23- May.
unnamed.

HADABA WAA KUWAN SIDA LA ISUGU AADAY:

Group ‘A’: 1. El Merreikh [Sudan] 2. SC Victoria University [Uganda] 3. Malakia [South Sudan] 4. Polisi [Zanzibar]

Group ‘B’: 1. El Merreikh Al Fasher [Sudan] 2. Mbeya City [Tanzania Mainland] 3.Elman [Somalia] 4. AFC Leopards [Kenya]

Group ‘C’: 1. Al AhliShandi [Sudan] 2. Al Masry [Egypt] 3. Defence [Ethiopia] 4. Dikhil [Djibouti]

Group ‘D’: 1. Hey Al Arab [Sudan] 2. Arab Contractors [Egypt] 3.Flambeau de l’Est [Burundi] 4. Etincelles [Rwanda].


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada