Daawo:- Al-Shabaab oo tababar u furtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay Dalka Kenya

Daawo:- Al-Shabaab oo tababar u furtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay Dalka Kenya

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in xeryo gaar ah ay Ciidamada ku tababarto ay geesay dhalinyaro la sheegay in dhawaan Dalka Kenya laga soo tarxiilay kadib markii lagu qabtay raafkii ay sameenayeen Ciidamada Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa tabisay in xeryo qarsoodi ah lagu tababarayo dhalinyaro gaareysa ilaa 20-dhalinyaro ah oo dhawaan laga soo tarxiilay Dalka Kenya ay mudo ku noolaayeen.

Dhalinyaradan hada Shabaab tababarayaan ayaa la sheegay in ay ka caroodeen falalka ay ku dhaqaaqayaan Ciidamada Kenya waxa ayna taa baladkeeda go’aansadeen in ay Shabaab ku biiraan sida ay baahiyeen Warbaahinta Shabaab taageerta.

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Shangole oo la hadlay Dhalinyarada Kenya laga soo tarxiilay ee Shabaab tababraka u fureen ayaa ugu baaqay in Cadowga Kenya ay uga aargudaan dhibaatdaa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee dalkeeda kunool.

Ma jiro ilo ka madax banana Al-Shabaab oo xaqiijinaya in ay jiraan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay Dalka Kenya in ay go’aansadeen in ay ku biiraan Al-Shabaab si ay uga aargudaan Ciidamada Kenya dhibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada