Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Gabar dhalinyaro ah oo dooneysay in ay is qarxiso

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Gabar dhalinyaro ah oo dooneysay in ay is qarxiso

daajis.com:-Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay Maalmihii lasoo dhaafay kasameenayay Magaalada Baladweyn ayaa gacanta ku dhigay gabar Dhalinayro ah oo la sheegay in ay dooneysay in ay is qarxiso.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku guuleesteen in ay qabtaan gabar yar uu sheegay in Al-Shabaab ugu tala galeen in ay fuliso weerar is qarxin ah.

Cabdi Fataax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in gabadha yar ee gacanta ku dhigeen lagu qasbay in ay is qarxiso ayna kamurugsaneen falka ay ku dhaqaaqeyso , waxa uuna sheegay in gabadhan yar Al-Shabaab ugu tala galeen in ay isku qarxiso garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyn.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Shacabka Magaalada Baladweyn u balan qaaday in ay xoojin doonaan howlgalada lagu sugayo amaanka ayna ka hortagayaan Dhibaatooyinka ay maleegayaan Xarakada Al-Shabaab.

Magaalada Baladweyn waxaa malamihii lasoo dhaafay kasocday Howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayay amaanka Magaaladaasi,waxaana howlgalkaasi lagu qab qabtay dad aad u badan oo qaarkood lasii daayay halka kuwa kalana ay wali xiranyihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada