Daawo Sawirka:- Xayeesiin Lidi ku ah Muslimiinta oo dood adag ka dhalisay Gudaha Dalka Mareykanka

Daawo Sawirka:- Xayeesiin Lidi ku ah Muslimiinta oo dood adag ka dhalisay Gudaha Dalka Mareykanka

daajis.com:-Xayeesiin la sheegay in lagu dhajinayo Basaska Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka ayaa dood badan dhalisay, iyadoona Xayeesiintan ay si weyn uga caroodeen ugana soo horjeedaan Muslimiinta kunool Dalkaasi.

Koox cunsuriyiin ah oo lagu magacaabo The American Freedom Defense Initiative (AFDI) ayaa bilaabay Dacaayadan ama Xayeesiinta lagu dhajinayo Basaska waa weyn ee ka shaqeeya Magaalada Washington DC ee Caasimada Dalka Mareykanka.

Dacaayada lagu dhajinayo Basaska ka dhax shaqeeya Washington waxaa ku sawiran Hogaamiyihii Dalka Jarmalka Adolf Hitler iyo Imaamkii hore ee Masaajidka Qudus Xaji Amin Al Xussein oo ahaa hogaamiye reer Falastiin ah.

Kooxda Cunsuriyiinta Dacaayada ay diyaarinayaan ayna doonayaan in Basaska lagu dhajiyo waxaa ku qoran in naceybka Muslimiinta u qabaan Yuhuuda ay ku qoran tahay Quraanka Kariimka , waxa ayna Dowlaa Mareykanka ka codsadeen dadkan in ay joojiso gar gaarka ay siiso Dadka Muslimiinta ah.

Muslimiinta kunool Dalka Mareykanka iyo dadyow kale ayaa arintan ku tilmaamay in ay tahay mid cunsuriyad ay ka muuqado , halka dad kale iyaguna qabaan in ay run tahay Dacaayada la faafinayo ee ah in Islaamku nacebyihiin Yahuuda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada