Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay sababta uu u cafiyay Taliyihii Ciidanka Asluubta oo horey loo xukumay

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay sababta uu u cafiyay Taliyihii Ciidanka Asluubta oo horey loo xukumay

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay waxa uu ka hadlay Sababta ka dambeysay cafis uu u fidiyay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen.Cabdi Maxamed Ismaaciil oo lagu helay in uu Al-Shabaab xariir la lahaa uuna xabsiyada kasii daayay Rag katirsanaa Kooxdaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu wax u cafiyo ay kamid tahay awoodaha u leeyahay in uu cafis fidiyo , waxa uuna tilmaamay in sababta uu Sargaalkan u cafiyay ay aheed in ay lasoo daristay xaalado caafimaad daro oo Sargaalka la daayay noloshiisa halis u keeni kartay hadii xabsiga lagu sii haayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in go;aankan cafiska uu yahay kii ugu horeeyay uu ku dhaqaaqo , waxa uuna tilmaamay in Xaalada ay keentay in la cafiyo Sargaalkan oo xaalad caafimad daro lasoo daristay si uu ula midoobo caruurtiisa iyo qoyskiisa .

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili Maalmo kahor Cafis Madaxweyne lagu sii daayay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ku riday xukun xabsi daa’in ah iyo in laga xayuubiyo darjooyinka dhinaca Ciidanka kadib markii lagu helay in Al-Shabaab uu xariir la leeyahay rag kooxdaasi katirsanaana uu xabsiyada Dowlada kasii daayay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada