DAAWO:- In ka badan 100-ruux oo ku dhimatay qaraxyo mataano ah ka dhacay magaalada Jos ee dalka Nigeria.

DAAWO:- In ka badan 100-ruux oo ku dhimatay qaraxyo mataano ah ka dhacay magaalada Jos ee dalka Nigeria.

daajis.com:-Ilaa 118 ruux ayaa ku geeriyootay tiro badan waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo mataano ah oo ka dhacay magaalada Jos ee Bartamaha dalka Nigeria.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala bartilmaameedsaday suuq aad u mashquul ah.

Waxaa laga cabsi qabaa meydad badan oo dhismo hoostiisa ku jira, maadaama qaraxan uu ka dhashay bur bur aad u xoogan.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa si kul u cambaareeyay weerarkaas, isagoo ku eedeeyay inay qaadeen kooxo waxmagarato ah.

Magaalada Jos oo ah caasimada gobolka Plateau ayaa waxay ku caan tahay rabshadaha u dhaxeeya Muslimiinta iyo masiixiyiinta, iyadoo labo qeyb ay ka kala degan yihiin magaalada.

Dhalinyaro careysan oo masiixiyiin ah ayaa jidadka xiray, iyagoo ka careysan weerarkan, waxaana laga cabsi qabaa inay rabshado dhacaan.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarkan, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa weeraro xiriir ahaa oo ka dhacayay Nigeria, kuwaasoo mas'uuliyadooda sheeganeysay kooxda Boko Haram.

Kooxda Boko Haram ayaa 14-kii bishii April afduubtay ku dhowaad labo boqol oo gabdho arday ahaa oo ay ka qafaasheen magaalada Chibok, iyadoo gabdhahaas qaarkood la muslimiyay.

Hogaamiyaha Kooxda oo ka soo muuqday cajalad Video ayaa ugu baaqay dowladda in loo sii daayo maxaabiis ku xiran xabsiga, si ay isu weydaarsadaan gabdhaha ay heystaan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada