Daawo:- Obama Oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Tegay Wadanka Afghanistan Khudbadna Ujeediyay Ciidankiisa Guuldareystay.

Daawo:- Obama Oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Tegay Wadanka Afghanistan Khudbadna Ujeediyay Ciidankiisa Guuldareystay.

daajis.com:-Hoggaamiyaha mareykanka Barack obama ayaa booqasho dhuumasho ah oo aan lasii shaacin ku tegay wadanka Afghanistan.

Obama ayaa xalay fiidkii ka degay garoonka diyaaradaha bagram ee duleedka magaalada kaabul xarunta Afghanistan oo 12-kii sanadood ee lasoo dhaafay saldhig weyn u ahaa Mareykanka.

Socdaalka Obama laguma wargelin saraakiisha xukuumadda xamiid karzaay marka laga reebo askarta mareykanka iyo Jeneraaladooda oo lagu waregeliyay.

Muuqaallo lagasoo qaaday garoonka uu ka degay obama ayaa muujinayay gudcur madoow iyo iftiin meel dheer ah oo kaamiradu soo qabanaysay taasi oo xaqiijinaysa in socdaalkiisu xilli habeena ahaa. 

Kumanaan katirsan ciidanka kirishtanka mareykanka oo ku daalay dagaalka aan kala joogsiga laheyn oo ay afqaan uga jiraan ayuu obama ukhudbeeyay balse waxaa madaxweynaha mareykanka fajaciso ku noqotay in ciidanka qaar ay fowdo ku kiciyeen sida iyagoo ku buuqay markii uu ka hadlayay arrimaha ammaanka Afghanistan inkastoo loo sacbiyay. 

khudbad gaaban oo uujeediyay ayuu uga hadlay wixii mareykanka ka qabsaday Afghanistan wuxuuna carrabka ku adkeeyay in duullaanka ay ku qaadeen wadankaasi uu yimid markii alqaacidda ay New York iyo Washington ku dishay  3000 ameerican ah sanaddii 2001. 

hoggaamiyaha mareykanka wuxuu ku dhawaaqay in uu soo idlaaday waqtigii dagaalka Afghanistan isagoo kulamo uu laqaatay jeneraalada ciidanka kala hadlay sida ugu fudud ee ciidanka looga qaadi karo Afghanistan.

Waxaa jira rabitaan mareykanka oo ku aadan in 10-kun oo askar looga tago Afghanistan kuwaasi oo ilaaliya xukuumadda maqaar saarka ah,warbaahinta maxalliga Afghanistan ayaa baahisay in xamiid karzaay uu ka baaqsaday lakulanka obama waxaana jira khilaafaaka xooggan oo labada dhinac u dhaxeeya.


karzaay kal hore wuxuu diiday in uu saxiixo heshiiska dhanka ammaanka ee mareykanka u ogolaanaya in ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah waligiis usii joogaan wadankaasi.

mujaahidiinta imaarada islaamiga Afghanistan ayaa dhankooda sii xoojiyay werarada xiliga guga oo ay kula jiraan ciidanka shisheeye ee wadankaasi ku duulay.

silsilado weeraro ah ayaa lasoo sheegayaa in shalay ay ka dhaceen gobolada qandahaar baktika iyo laqmaan waxayna qeyb ka yihiin xamlada kheybar ee mujaahidiintu dhawaan ku dhawaaqeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada