Maxkamada ciidamada qalabka sida oo sheegtay in Shabaabkii la qabto isla goobta lagu tooganayo

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo sheegtay in Shabaabkii la qabto isla goobta lagu tooganayo

daajis.com:-Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa shalay markii u horeysay xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu qabtay qoriga Hoobiyaha, iyadoo xukunkan deg dega ahaa uu ahaa kii u horeeyay ee Maxkamadu ku fuliso dagaalamayaasha Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa shalay degmada Dayniile ku qabtay nin dhalinyaro ah, kaasoo la sheegay inuu ka dambeeyay hoobiyeyaal lagu soo tuuray xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo goobtii lagu qabtay ay maxkamada xukun dil ah ugu riday, kuna fulisay.
Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in xukuka maxkamada ay riday, kuna fulisay eedeysane Nuur Cabdule Cawaale, kaasoo qirtay dambigiisa, kana tirsanaa Al-Shabaab.
“Maxkamada ciidamada qalabka sida waxay xukun dil ah ku riday eedeysane Nuur Cabdule Cawaale oo 21-jir ah, ina Xaawo Cali, ku dhashay Galgaduud, degan degmada Yaaqshiid, Xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku soo eedeeyay in lagu soo qabtay qoriga Hoobiyaha 82 iyo xabadihiisa, wuxuu garsoorka hortiisa ka qirtay inuu Shabaab ka tirsan yahay”ayuu yiri Liibaan Cali Yarow oo xukunka riday.
Intaas kadib ayaa ciidamada isla goobta ku toogteen, markii xukunka la riday, taasoo ah mid ka duwaneyd xukunadii maxkamada ay ridi jirtay, maadaama xukunkii isla goobta lagu fuliyay.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida G/sare C/raxmaan Maxamuud Tuur Yare ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya aanay dhici doonin in cid alaala cidii ka tirsan Shabaab ee la qabta aanay baxsan doonin, kii la qabatana isla goobta lagu fulin doono dil.
“Wixii maanta ka dambeeya waa dhamaatay cid baxsata, idinkoo shabaab oo argagixiso hadii idinku cadaato meeshii la idinku qabto la idinku xukumayaa, oo la idinku tooganayaa, maxkamada ciidamada qalabka sida waa diyaar, waxay diyaar u tahay in shaqadeeda ka soo baxdo, cadawga umadan inaan sharciga marsiino oo aan uga jixin jixin oo aan uga nixin”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii shalay la qaban jiray, xabsina loo gudbin jiray, maanta ay ka duwan tahay taas, isla markaana dambiile kasta ee la qabta isla goobta lagu xukumi doono laguna fulin doono sida uu yiri.
Go’aankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida gaarto, iyadoo uu ku soo beegmayo, xilli ciidamada dowladda ay saacadihii la soo dhaafay ay qaadeen howl galo ballaaran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada