Dhageyso:-Sheekh Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Iscasilaadda Wasiir Guuleed iyo Howlgal Ka Dhacay Jubbada Hoose.

Dhageyso:-Sheekh Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Iscasilaadda Wasiir Guuleed iyo Howlgal Ka Dhacay Jubbada Hoose.

daajis.com:-Taliska ciidanka xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray dagaal culus oo shalay gobolka Jubbada hoose ku dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo kuwa gumeysiga Kenya.

Sheekh Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in  Kenya ay gaadiid dagaal uga gubeen weerar dhabagal ah oo shalay ka dhacay duleedka Dhoobleey.

Dhinaca kale Al Shabaab waxay sheegtay in wasiirkii ammaanka DF-ka C/kariim Guuleed uu baqdin iyo waxqabad la’aan uga cararay xilkii uu ka hayay dowladda Federaalka.

“Nin kasta oo murtadiintu xil u magacaabaan wuxuu shaqadiisa ku bilaaban darbiya isku waal iyo caga jugleyn uu mujaahidiinta u jeediyo waxya kadibna waxaa la arkaa isagoo cararaya,i arka iyo arka iqariya iqariya ayaa xigta bay soomaalidu tiaahdaa”ayuu yiri sheekh Abuu Muscab.

Mar uu soo hadal qaaday mustaqbalka wasiirada lamid ah Guuleed ayuu sheegay in qaarkood ay dilaan ciidanka mujaahidiinta qaarka kalane iyagoo dullaysan ay xilalka iska casilaan “kuwaasi wasiirada ah ugu dambeynaan sida labartay mid gacanta mujaahidiinta ku baxa oo jahannama aada iyo mid isagoo duulaysan iskacasila sida midkii shalay isagoo ooyaya ku dhawaaqa in uu isaga tegay xilka ayuu masiirkoodu noqdaa” Abuu Muscab.

Ugu dambeyntii taliska ciidamada Alshabaab ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah shisheeyaha ku sugan Muqdisho iyo Dowladda Federaalka.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa'id Ee Sheekh Abuu Muscab MP3

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada