Madaxwayaha Djibouti oo markii ugu horaysay ka hadlay qarixii ka dhacay bartamaha dalka Djibouti‏

Madaxwayaha Djibouti oo markii ugu horaysay ka hadlay qarixii ka dhacay bartamaha dalka Djibouti‏

daajis.com:-Madaxweynaha Dalka Djibouti,Ismaaciil Cumar Geelle ay markii u horaysay Ka hadlay qarixiiyaa Ka dhacay Maqaayad Cunnada laga Cuno oo ku taalla bartamaha magaalada Jabuuti,Madaxwayne Ismaaciil ayaa Canbaareeyay WeerarkaIsmidaaminta Waxa Uu Ku    Tilmaamay Mid Argagaxiso.

Qaraxan Ayuu Madaxwaynaha ku tilmaamay In uu yahay Mid Lagu doonaayo in car-qalad lagu geliyo kaalinta ay dowladda Jabuuti kaga jirto hannaanka iyo geedi-socodka nabadeynta iyo xasilloonida gobolkan Geeska Afrika,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed shalay kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Jabuuti.
Qaraxan ayaa sababay geerida saddex qof oo laba ka mid ah la sheegay inay yihiin kuwii weerarka fuliyay oo wiil iyo gabar ahaa iyo nin u dhashay  dalka turkiga oo maqaayaddaasi ku sugnaa, sidoo kalena ilaa 15 ruux oo kale  ayey  dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaasi, iyadoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
Weerarkaas argagaxiso,” ayuu madaxweyne Geelle ku yiri warka ka soo baxay xafiiskiisa War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 15-ka qof ee dhaawacmay ay u badan yihiin dad ajnabi ah,kuwaas oo u kala dhashay dalalka faransiiska ,jarmalka ,iyo spain,kuwaas oo sida la sheegay intooda badan kabaxay cubitaalada kadib markii la daweeyey balse qaar kamid ah oo qabay dhaawacyop culus wali la daweynayo
Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti,ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo dalka ay u dhasheen labadii qof ee fuliyay weerarka,Wasiirka arrimaha gudaha  Xasan Cumar Maxamed Ayaa Diiday in labadan qof la dhahi karo hadda Soomaaliya ayay u dhasheen.

Ma garanayno dal ay u dhasheen labadan qof, balse waxaan haynaa sawirradooda waxaana ku gudo-jirnaa sidii aan ku ogaan lahayn dalka ay kasoo jeedaan,” ayuu ku yiri wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Jabuuti.
Suxufiyiinta ayaa weydiiyay su’aal ahayd in warkii xalay ay soo saartay dowladda Jabuuti lagu sheegay in labadan qof ay Soomaali yihiin, ayaa arrintaas si xooggan u diiday, isagoo sheegay inaan la oran karin waa Soomaali, welina uu socdo baaritaan lagu ogaanayo dhalashooda.
Aad iyo aad ayaan uga xumahay in arrintan lagu deg-dego oo la yiraahdo markiiba waa Soomaali labadan qof ee is-qarxiyay, sawirradooda waa kuwan marka uu soo dhammaado baaritaanka ayaana saxaafadda u soo gudbin doonnaa dalka ay kasoo jeedaan,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in labada qof ee is-qarxiyay ay ahaayeen wiil iyo gabar iyadoo la sheegay in gabadhu ay xirnayd indho-shareer, waxaana markii uu qaraxu dhacayay ku sugnaa maqaayadda dad badan oo ajnabi ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada