Daawo Sawirada Ciidamada Kenya oo si Qasab ah Xerada Kaakuma ku geeyay Wariye Soomaaliyeed oo Maalmo u xirnaa

Daawo Sawirada Ciidamada Kenya oo si Qasab ah Xerada Kaakuma ku geeyay Wariye Soomaaliyeed oo Maalmo u xirnaa

daajis.com:-Wariye Xasan Sheekh Cumar oo ka mid ahaa wariyeyaasha ku nool dalka Kenya, kana howlgalayay Horn Cabl Tv gaar ahaan xaruntiisa magaalada Nairobi, ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamda Baliiska Kenya, marka ay taariikhada ahayd 25/04/204-14.

Wariyaha ayaa laqabtay xilli uu ku guda jiray hawl maal-meed-kiisa shaqo kadibna, waxaa loo gudbiyay xabsiga. Wax qalad ah ama sharci darro laguma qaban wariyaha, waxuuna sharci ahaan u haystay warqada ay bixiso UNHCR ee looyaqaano MANDARE iyo mida ay bixiso dowladda Kenya ee loo yaqaano ALIEN.


Wariye Xasan Sheekh ayaa ka soo shaqeeyay idaacado badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya, waxaa kale uu in muddo ah kasoo shaqeynayay warbaahinta qoraalka ee Website-yada, waxaana si weyn looga yaqaannay warbaahinta Soomaalida dhexdeeda.

Waxa kale, oo uu kasoo shaqeeyay idaacado laga leyahay dalka kenya sida; frontier FM iyo Star FM. Xasan ayaa in muddo ah ka soo shaqeeyay idaacadahaan, isaga oo ka akhrin jiray warar iyo barnaamijyo xiiso badan.


Wariyaha ayaa lakulmay hanjabaado fara-badan uu kula kulmay gudaha Soomaaliya iyo gudaha dalka Kenya, hanjabadahaan ayaa lagu sooo gaarsiiyay siyaabo kala duwan sida telephone (cod ahaan), massege (fariin) iyo E-mail intaba.

Kadib in mudda ah oo xabsiga ay si sharci darro ah ciidamada Kenya ugu hayeen wariye Xasan Shekh Cumar ayaa ugu dambayntii loo gudbiyay xerada qaxootiga ee Kaakuma, halkaasi oo aanu kadiiwaan gashaneen, balse, si qasab ah lagu geyay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada