Daawo:- Waalidiin Dhagaha iyo Sanka ka jaray Wiil Marti u ahaa oo Gabadhooda ku Xad gudbay

Daawo:- Waalidiin Dhagaha iyo Sanka ka jaray Wiil Marti u ahaa oo Gabadhooda ku Xad gudbay

daajis.com:-Waalidiin u dhashay dalka Afghanistan ayaa nin gabar ay dhaleen ku xad gudbay ka jaray dhagaha iyo sanka kadib markii ay ogaadeen inuu gabadhooda fal fool xun kula dhaqaaqay.

Waalidiintaan oo la kala yiraahdo Cabdul iyo Suldana Qahaar oo degen gobolka Baghlan ee dalka Afghanistan ayaa laga soo xigtay in ninka gababadhooda u tagay ay habeenkii Isniinta ee todobaadkaan ku marti qaadeen gurigooda kadibna xir xireen ay ka jareen labada dhegood iyo sanka.

Waalidiintaan ayaa hadda xiran oo ku jira gacanta booliska gobolka ay dhacdadaan ka dhacday.

Hooyadda dhashay gabadha oo booliska u xiran ayaa u taleefoonka ugu sheegtay wakaaladda wararka Reuters inay iyadu ninka dhagaha iyo sanka ka jartay kadibna ay siisay bisad ama mukulaal guriga u joogtay.

“Anniga ayaa ka jaray saygeygana waa uu i caawiyay waan xir xirnay kadibna dhagaha iyo sanka kadibna bisad noo joogtay ayaan siinay dhagihii iyo sankii aan ka jarnay” ayay tiri Suldana Qahar

Madaxa arrimaha haweenka ee gobolka Baghlan khadiija Yaqeen ayaa sheegtay in waalidiinta oo dhalay gabar 14 sanno jir ah ay ninka ay dhagaha iyo sanka ka jareen u galmooday muddo haatan laga joogo 4 bilood.

Khadiija waxaa ay sheegtay in gabadha ay waalidiinteed 4 bilood kadib u sheegtay inuu faro xumeeyay ninka ay dhibaatada u geysteen oo degaanka caanka ka ah.

Afhayeenka booliska Baghlan Axmed Jaawid Bashaarat ayaa asna sheegay in waalidiinta falkaan geystay iyo gabadhaba ay xiran yihiin ninkii dhagahsa laga jarayna uu isbitaal yaalo.

Lama shaacin in gabadha la xoogay iyo in kale.

W/Tarjumay Barhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada