daajis.com:-Inta la Xaqiijiyay Sadax qof ayaa ku dhimatay 79-qof oo kala dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kadib Qarax xoogan oo ka dhacay xarunta tareenada laga raaco ee gobalka Xinjang ee Galbeedka Wadanka Shiinaha.
Qaraxan Qasaaraha kala duwan dhaliyay ayaa ka dhacay Gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin Dalka Shiinaha ee Xinjang , waxaana Gobolkan uu qaraxu ka dhacay Booqasho afar maalin ah ku joogay Madaxweynaha Dalka Shiinaha China Xi Jinping.
Madaxweynaha Dalka Shiinaha China Xi Jinping ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxan ka dhacay Xarunta laga raaco tareenada , waxa uuna qaraxan ku tilmaamay in uu yahay mid argagaxiso.
Gobolka Muslimiinta ku badan yihiin ee kuyaala Dalka Shiinaha ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay Weeraro looga soo horjeedo Dowaada Dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:44 and have
, Published at