Maxay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Ka Haritaankii Chelsea Ee Finalka Champions League?

Maxay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Ka Haritaankii Chelsea Ee Finalka Champions League?

daajis.com:-Oliver Holt oo Daily Mirror u shaqeeya ayaa ku qoray wargeyska maanta: Ka dib seerigii ugu danbeysay, John Terry waxa uu istaagay bartamaha garoonka isagoo niyadjab la dhaqaaqi waayay.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Atletico Madrid ayaa hal hal ugu yimid si ay u sabar siiyaan. Indhaha Terry ayaana bilaabay inay ilmeeyaan. In la yiraahdo Champion League uma naxariisan isaga ma ahan hadal hoose.
Waxa uu koobkaan ku wajahay cadaawad ka badan inta uu ku wajahay ciyaaryahan kale, xalayna tii ayaa u sii socotay. Waxaa laga badiyay haatan shan semi-final, sidoo kale waxa uu seegay rigooradii finalkii Moscow 2008 waxaana uu ganaax kaga maqnaa finalkii Munich 2012.
Ma ahan sida inuu helayo in loo naxariisto. Niyadjabkiisa waxa ay u muuqataa inay kicisay in looga maadeysto baraha bulshada.
Neil Ashton ayaa isna ku qoray wargeyska Daily Mail: John Terry waxa uu dareemay xanuun weyn markii Adrian Lopez uu u barbareeyay Atletico Madrid. Waqtigaan ma jirin wax xanuunka ka qaada.
Kabtanka Chelsea ayaa ku ciyaarayay hal lug, waxaana uu si geesinimo leh ku ciyaarayay kulankii xalayto. Cabsida haatan jirta ayaa ah isagoo maraya da’da 33 sanno jir, in laga yaabo inuusan mar kale ciyaarin semi-final. Goolkii ugu horeysay ee ay Atletico dhaliso ayaa niyadjabisay.
Ka hor inta aysan ciyaarta bilabanin waxaa lagu duray xanuun baabi’iyaal canqowgiisa midig taasoo ka dhigtay mid kabaabyeeysan. Laakiin saaka ayuu xanuunka rasmiga ah dareemi doonaa.

John Dillon ayaa isna ku qoray Daily Express: Waxa ay aheyd habeen ay kubada cagta maxkamad saarneyd. Dadka wax falanqeeya, dadka jecel kubada qurux badan, dadka qabiirada ee Mourinho uu weeraray ayaa dhamaantood ka daawanayay dunida oo dhan, waxa ay rajeynayeen in farsamo iyo xeelado kala duwan lagu soo bandhigo Stamford Bridge.
Laakiin waqtigii uu Arda Turan quusiyay Chelsea, haldhiga caalam waxa uu noqday mid lagu aflagaadeeyo Mourinho iyagoo u arka inuu yahay cadowga kubada cagta waxaana ay heleen wixii ay rabeen.
- – -
Steven Howard ayaa isna ku qoray The Sun: Ma jirto finalkii riyada ee Champions League ee uu doonayay Jose Mourinho.
Lama kulmi doono shaqaalihiisii hore ee Real Madrid, ma jiri doonto fursad uu kaga aarsado kooxdii uu ka soo tagay xagaagii hore. Ma jiri doonto inay luqadooda kuwada hadlaan isaga iyo Cristiano Ronaldo marka la tago caasimadooda Lisbon.

Taas bedelkeeda waxa uu ku maqnaan doonaa fasax. Waxaana u sabab ah koox ku ciyaarta maaliyad cad iyo guduud isagu jirta.
Jeremy Cross ayaa ku qoray Daily Star: Jose Mourinho wax badan ayuu isbuucyadii u danbeysay isticmaalay baskiisa taasoo keentay in ugu danbeyn in cagaha ay ka soo baxaan kulankii xalayto ee Stamford Bridge.
Marka hore waxa ay aheyd bareegii gacanta oo dabcay markii Adrian Lopez uu kansalay goolkii furitaanka ee Fernando Torres, taasoo ka dhigtay in Atletico ay ku fariisato kursiga shufeerka.
Ka dib waxaa bilaabatay in baska uu ka soo taraaraxo buur si dhaqso ah markii goolal ay ka kala dhaliyeen Diego Costa iyo Arda Turan, taasoo keentay in Mourinho uu arko ciyaartoydiisa oo la burburiyay riyadoodii finalka Lisbon.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada