Daawo Sawirada:- Dad qaba Dhaawacyo halis ah oo laga keenay Baydhabo oo laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde

Daawo Sawirada:- Dad qaba Dhaawacyo halis ah oo laga keenay Baydhabo oo laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde

daajis.com:-Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo kuwaa oo xaaladooda caafimaad wax looga qabay waayay Isbitaalada kuyaal Magaaladaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa saakay diyaarad gaar ah u dirtay sidii loogu soo qaadi lahaa dadka qaba dhaawacyada halista ah ee ka dhashay Weerarkii shalay ka dhacay Baydhabo , waxaana maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyadoona hada lagu baxnaaninayo xaaladooda isbitaalo gaar ah oo kuyaala Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaya in tirada dadka qaba dhaawacyada halista ah ee lakeenay Magaalada Muqdiho in ay gaarayaan ilaa afar qofood , waxa uuna ilaah uga baryay in uu cafimaad siiyo dadkaasi ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay Baydhabo.

Shalay ayey aheed markii Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Magaalada Baydhabo , waxaana qaraxaasi ku dhintay dad kabadan 13-qof oo u badnaa rayid.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada