Diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka oo ka qeyb qaadanaya raadinta gabdhihii ardayda ee la qafaashay

Diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka oo ka qeyb qaadanaya raadinta gabdhihii ardayda ee la qafaashay

daajis.com:-Diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka ayaa bilaabay baadigoobka gabdhigii ardayda reer Nigeria ahaa ee lagu afduubtay waqooyiga Nigeria, iyadoo saraakiil iyo qubaro Mareykan ah ay gaareen dalkaas.

Diyaaradahan oo laga hagayo gudaha dalka Nigeria ayaa waxay ciidamada dalkaas ka gacan siinayaan sidii lagu ogaan lahaa halka lagu haayo gabdhaha.

Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa xaqiijiyay in ilaa sodon sarkaal qubaro ah iyo kuwo ka tirsan laanta FBI-da ay gaareen halkaas, si ay ciidamada Nigeria ay gacan ugu siiyaan baadigoobka gabdhahaas.

Waalidiinta gabdhaha la la'yahay ayaa aqoosaday gabdhahooda, markii ay ka soo muuqdeen muuqaal ay baahisay Boko Haram, kadib markii hogaamiyaha kooxdaas uu sheegay in gabdhahan ay ku bedelayaan maxaabiis ku xiran xabsiyada Nigeria.

Dowladaha Faransiiska, UK iyo Shiinaha ayaa ku biiray howl galkan caalamiga, iyadoo saraakiil ka tirsan waaxda la dagaalanka Argagixisada Israel la sheegay inay gaareen dalka Nigeria.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada