Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay Beledxaawo oo dad badan ku dhinteen

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay Beledxaawo oo dad badan ku dhinteen

daajis.com:-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal dhowr jeer la isku noq noqday oo maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalka uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Ahlusuna oo dhinac iyo ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Doolow.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkii cuslaa ee maanta ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay, waxaana jira ilaa lix ruux oo ku dhintay madaafiic lagu garaacay degmada.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku soo qaadeen ciidamo taageersan maamulka KMG ah ee Juba oo ka yimid degmada Doolow.

"Waxaa maanta duulaan nooga yimid dhanka degmada Doolow oo ciidamo taageersa Maamulka Juba ay na soo weerareen, mas'uuliyada dagaalkaas waxaa dusha u ridanayo Gudoomiyaha degmada Doolow"ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil,

Mr Kaliil ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen dad shacab ah oo ku wax noqday madaafiic iyo guryo dagaalka ku gubtay, waxaana uu ku baaqay in Maxkamada la horkeeno Gudoomiyaha degmada Doolow.

Dad fara badan ayaa ka qaxay degmada, kadib markii dagaalka ay saameyn ballaaran ku yeesheen, markii madaafiic fara badan.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka socday Beledxaawo ayaa salka ku haya gacan ku heynta deegaanka, iyadoo xiisada deegaanka ka jirtay ay aheyd mid mudooyinkii u dambeeyay ka taagneyd.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada