Rio Ferdinand Oo Ka Xumaaday Qaabka Uu U Soo Dhamaaday Waayihiisa Ciyaareed Ee Man Utd.

Rio Ferdinand Oo Ka Xumaaday Qaabka Uu U Soo Dhamaaday Waayihiisa Ciyaareed Ee Man Utd.

daajis.com:-Xirfadii ciyaareed ee Rio Ferdinand ee Manchester United ayaa soo dhamaatay ka dib markii loo sheegay inaan qandaraas cusub loo soo bandhigi doonin.

Waxaa la fahamsan yahay in madaxa Old Trafford Ed Woodward inuu warkaan ugu sheegay Ferdinand oo 35 sano jir ah qolka labiska ee Southampton ka dib kulankii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka.
Dad badan oo goobta joogay ayayna amakaak ku noqotay in Woodward uu xushay inuu si qaabkaas ah ku soo gabagabeeyo 12kii sanno ee Ferdinand uu joogay Man United.
Warbixin uu soo dhigay website-kiisa shaqsiga ah Ferdinand ayaa sheegay in xaalada aysan u ogolaanin inuu macsalaamo si wacan u yiraahdo taageerayaasha Manchester United.

Iyadoo United ay sidoo kale iska fasaxday Nemanja Vidic, Ferdinand saaxiibkiisii hore Gary Neville ayaa Twitter ku soo qoray: “Waxa ay u muuqataa in Rio iyo Vida hal mar lawada fasaxay!”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada