Daawo Sawirada:- Gabar si dirqi ah u bad baaday kadib markii ay kusoo duntay buur caro ah

Daawo Sawirada:- Gabar si dirqi ah u bad baaday kadib markii ay kusoo duntay buur caro ah

daajis.com:-Haweeney 34-Sano jir ah oo u dhalatay Dalka Shiinaha ayaa gashay xaalad Qatar ah kadib markii ay kusoo duntay buur caro , taa oo keentay in gabi ahaan ay duugmato ayna ka hoos marto caradii kusoo duntay.

Mingmei Xiong, oo ka shaqeeneysay goob dhismo ayaa bad baaday kadib markii si adag u sameesatay meel ay hawo ka hesho oo ka neefsato taas oo sabab u noqotay in ay gabadhaasi bad baado siina noolaato.

Haweeneedan ayaa dhulka hoostiisa ku jirtay mudo 30-Dqaiiqo ah , waxaana loo sameeyay gurmad balaaran oo lagu soo bad baadinayay taa oo ugu dambeyn suurto galisay in gabadhaasi iyada oo nool laga soo saaro godka ay ku duugmatay.


Mid kamid ah dadkii gabadhan soo bad baadiyay ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee arintaasi sababtay ay aheed carada laga shaqeenayay oo aheed mid aad u jilcan , dhacdadan ayaana ka dhacday Deegaan lagu Magacaabo Jinjiang oo katirsan Gobolka Fujian ee Koonfur Bari Dalka Shiinaha.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada