DEG-DEG: Laba bas oo lagu qarxiyay bartamaha magaalada Nairobi

DEG-DEG: Laba bas oo lagu qarxiyay bartamaha magaalada Nairobi

daajis.com:-Laba bas ayaa lagu qarxiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Basaska ayaa marayay wadada weyn ee Thika, ee caasimadda.


Wararka ayaa sheegayo in waxa qarxay lagu tuuray basaskan ka dhex shaqeeyo magaalada Nairobi.

Booliska iyo warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay weeraradan lagu qaaday gawaaridan.
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 50 qof sida ay sheegayaan hay'adaha gurmadka, iyo Cisbitaalada.
Booliska Nairobi ayaa halkaasi gaaray, waxayna sheegayaan inay baarayaan qaraxa ka dhacay wadada Thika, meel ku dhow hoteel caan ah iyo suuq ganacsi.
Kenya ayaa horey ugu eedeysay weeraro kuwan lamid ah inay ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab ee Al-qacidda xiriirka la leh ee ka dagaallanta Somaliya.

Weerarkii ugu xumaa eek a dhacay Kenya waxa uu ahaa kii lagu weeraray dhismaha ganacsiga ee westgate, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.


Afar qof ayaa ku dhimatay qaraxyo kuwan lamid ah oo xalay ka dhacay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, waxayna weeraradan imaanayaan bil kadib howlgalo ay dowladda sheegtay inay amniga ku xoojineyso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada