Norwich Oo Soo Gaba Gabaysay Rajadii Chelsea Kadib Markii Ay Bar Baro Ku Qabatay.

Norwich Oo Soo Gaba Gabaysay Rajadii Chelsea Kadib Markii Ay Bar Baro Ku Qabatay.

daajis.com:-Rajadii Chelsea ay ka leheed Hanashada horyaalka ingiriiska xili ciyaareed kan ayaa soo gaba gabowday kadib bar baro goolal la,aan ah oo ay caawa la gashay kooxda Norwich City oo marti u ahayd, iyadoo u muuqata kaliya inay xajisanayso booskeeda 3aad.

Chelsea ayaa ku soo gashay ciyaarta qaab dar dar leh, 3 daqiiqo Schurrle ayaa isku dayay inuu gool u daah furo Chelsea lakiin gool haye Ruddy ayaa si fudud u qabsaday kubadii uu ku soo shuuday.
6 daqiiqo Ashley Cole ayaa karoos fiican soo dhex dhigay xerada ganaaxa Norwich lakiin difaacyada Norwich ayaa banaanka isaga saaray kubadda, Chelsea ayaa weerar xoogan ku haysay goolka Norwich lakiin kooxdaan ayaa xiratay dhamaan meelihii loo mari lahaa in gool laga dhaliyo.
20 daqiiqo Norwich ayaa u soo dhawaatay inay gool kaga naxsato Chelsea kadib karoos uu soo qaaday Olsson lakiin kubadiisa ayaa ka dheeraatay Elmander.
31 daqiiqo Schurrle ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaliyo Chelsea lakiin kubadiisa birta ayaa ka beenisay kadib baas fiican oo uu ka helay saaxiib kiisa Matic.
41 daqiiqo Snodgrass ayaa fursad fiiican ku helay Chelsea lakiin kubadii uu shuuday difaacyada Chelsea ayaa banaanka isaga saaray, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-0.
Qaybtii danbe Mourinho ayaa soo galiyay ciyaarta Hazard iyo Luiz kadib markii uu ku soo bilaabay kaydka, 49 daqiiqo Luiz ayaa birta ku dhuftay kubad kadib shuud xoogan oo uu ku riday goolka Norwich.

63 daqiiqo Matic ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaliyo Chelsea lakiin kubadii uu shuuday difaacyada ayaa iska bixiyay, 72 daqiiqo Norwich ayaa u soo dhawaatay inay gool dhaliso lakiin Cahill ayaa gool kiisa ka bad baadiyay kubadaas inay ka dhalato
79 daqiiqo Hazard ayaa kubad halis aheed ku shuuday goolka Norwich lakiin gool haye Ruddy ayaa ka tufay kubadaas lakiin isla markiiba waxay u tagtay Torres  isna birta ayuu kor mariyay.
Garsooraha ayaa ku daray ciyaarta 3 daqiiqo lakiin labada kooxoodba way awoodi wayeen inay gool iska dhaliyaan, ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada