Sheekh Xasaan Xuseen iyo Xaaskiisa oo loo diiday in qaab damiin ah looga sii daayo Xabsi ay ku xiran yihiin

Sheekh Xasaan Xuseen iyo Xaaskiisa oo loo diiday in qaab damiin ah looga sii daayo Xabsi ay ku xiran yihiin

daajis.com:-Maxkamad kutaala Dalka Kenya ayaa diiday in qaab damiin ahaan lagu sii daayo Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan iyo Xaaskiisa Fardowsa Maxamed Cabdi oo hada ku xiran Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Sheekh Xasaan Xuseen oo ahaa Imaam Masaajid kuyaala Xaafada Islii ayaa la tilmaamay in uu si aad ah u taageero Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya , waxa uuna wadaadkan inta badan dhaleeceeyaa Dowlada Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.

Ciidamo katirsan Booliiska Kenya ayaa gurigiisa xili habeen waxa ay kasoo xireen Sheekh Xasaan Xuseen iyo Xaaskiisa , waxa ayna Ciidamada ku eedeeyeen in wadaadka uu ku lug lahaa falal argagaxiso , waxa ayna Booliisku sheegeen in wadaadkan gurigiisa laga helay Bambaano.

Laamaha amaanka Dalka Kenya ayaa wali waxa ay baaritaano ku wadaan eedeemaha la xariira Falalka argagaxiso ee loo heesto Sheekh Xasaan iyo Xaaskiisa oo mudo bil ka badan ku xiran Xabsi kuyaala Magaalada Nairobi.

Garsoore u hadashay Dowlada Kenya ayaa sheegtay in laamaha amaanka qaranka, ay ku wargeliyeen in Sheekh Xasaan Xuseen iyo Xaaskiisa Fardowsa Maxamed Cabdi aan la sii deyn , ilaa baaritaanada ay ka dhamaanayaan.

Xabsiyo kuyaala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxaa ku xiray Soomaali tiro badan oo qaarkood loo heesto in ay Xariir la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab , Qaar kamid ah Soomaalida xabsiyada kuxiran ayaana lasoo taagay Maxkamadaha Kenya inkastoo aaan wali xukun lagu ridin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada