Somaliland oo Somaliya ku matashay shir caalami ah

Somaliland oo Somaliya ku matashay shir caalami ah

daajis.com:-:Wax noqonaya taariikhda markii ugu horaysay dadka qaarkoodna ayba u fasiran karaan aqoonsi buuxa ayaa maamulka Somaliland wafti ka socda uu Somaliya ku matalay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Tanzania.

Shirka IT-ga oo sanadba meel caalamka ah lagu qabto haatanna lagu qabtay dalka Tanzania ayaa halkii ay ka tagi lahaayeen wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ama kuxigeenkiisa ayaa waxaa Soomaaliya u matalay wafti Somaliland oo ka duulay magaalada Hargaysa.

Lama oga inay wax ka ogyihiin dawladda federaalka ee Xasan Sh. Maxamuud garwadeenka ka yahay iyo in kale, laakiin dhacdadani waa tii ugu horaysay taariikhda tan iyo intii Somaliland ay shaacisay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Si ay ku dhacdayba, umuurtani waa arin labada qoloba ay u fasilan karto siday jeceshahay, Somaliland waa u ictiraaf iyo aqoonsi diblumaasiyadeed oo u soo kordhay, halka Koonfurtana ay u arkaan walaalo xanaaqay oo soo dabcay, doonayana inay dadkooda dhinac ka raacaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada